Magaalada Baraawe Ee Gobolka Shabeelada Hoose Oo Uu Saake Ka Socdo Raaf Xoogan

Magaala xeebeedda Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa saake waxa ka jira raaf xoog badan oo ay sameenayaan Maleeshiyada dowelada fedaraalka.

Raafka oo biloday aroornimadii saake ayaa lagu qafaashay dad u badan dhalin yaro kuwaas oo ay guryahooda kala baxeen Maleeshiyada halkaasi joogta, iyadoo lasoo sheegayo in dadka la qabtay lagu xirey saldhiga degmada ku yaala.

Wararka aan heleyno ayaa intaa ku daraya in Iskuuladadii iyo goobihii waxbarashada ay saake yihiin kuwo aanay ka socon wax shaqa ah, waxaana taasi ay ka dambeysa ka dib markii inta badan ardeyda saake laga soo qabtay xaafadahooda iyo qaar wadooyinka laga qabtay.

Horjoogayaasha Maleeshiyada dowlada ee ku sugan Baraawe ayaan wax faafaahin ah ka bixin raafka ay ku wadaan dhalinyarada, waxaana gacanta ay ku dhigeen boqolaal dhalinyaro ah oo lagu tuhunsanyahay inay la shaqeeyaan Maleeshiyada argagaxisada ah ee alshabaab.

Magaalada Xeebeeda Baraawe oo ay xoog ku joogaan Maleeshiyaad labisan dareeska dowlada hase si beel ahaan halkaasi u qabsaday ayaa xiriir wada shaqeyn oo dhow la leh horjoogayaasha Maleeshiyada Alshabaab.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE