Maleeshiyaad Shabaab Ah Oo Caawa Buux Dhaafiyey Magaalada Marka Iyo Ciidamada Amisom Oo Difaac Ugu Jira Xerada Ayuub Banaankeeda

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa caawa lagu dhex arkayaa qeybo ka mid ah magaalada Marka, waxaana lasoo tabiyey in kooxo si kala gooni gooni ah u kala socda la arkayo.

Dad ku sugan magaalada Marka oo caawa warbahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in Maleeshiyaad ku hubeysan hubka fudfudud iyo kuwa garbaha laga tuuro ay dhex socdaan xaafadaha dhanka xeebta xiga iyo suuqa.

Maleeshiyadan caawa lagu arkay xaafadah Marka ayaa baqdin ku abuurtay Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee saldhiga ku leh xaafada Ayuub, waxaana lasoo sheegayaa in meelo ka baxsan xeradooda caawa ay ugu jiraan difaacyo.

Sidoo kale Ciidamada Amisom ayaa caawa fariisin cusub ka sameystay deegaanka Cagaarane oo wax yar u jira halka ay ku taalao xeradooda ee xaafada Ayuub.

Caawa ayaa lagu soo waramayaa in xaalada sidii hore ay ka duwan tahay, waxaan dhankooda caawa heegan ku jira Ciidamada deegaanka ee fariisimayaasha ku leh qeybo ka mid ah Marko iyo deegaanada duleedka ka xiga sida Buufow bacaad.

Mooryaanta Habar gidir ee horey hershiiska ay u kala galeen Maleeshiyada Shabaab ayaa si cadi ah ugu sugan dhismayaashii ay xooga ku haaysteen, waxaana wax wel wel ah ay ka qabin Shabaab isbaheysiga kula ah dhibaateynta iyo barakicinta Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open