Maleshiiyada Shabaab Oo Caawa Dab Qabadsiiyey Deegaanka Gubyarey Ee Duleedka Marka

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in caawa dab la qabadiisiiyey deegaanka Gubyarey.

Deegaanka Gubyarey oo ku yaalla duleedka Marka ayaa caawa lagu soo waramayaa in gubeen Maleeshiyada Shabaab oo ka yimid sida wararka aan ku heleeno deegaanada Jilib iyo Gendershe.

Gubyarey oo ay degenyihiin qoysas kooban oo xoolo dhaqata u badan ayaa duleedka Waqooyi Bari kaga beegan Magaalada Marka, waxaana caawa dadkii degenaa ay ku hoyanayaan goobo cidla ah oo aan ka celin karin qabowga iyo dabeysha dhaceysa.

Mid ka mid Hawenka Caawa guryaha laga gubay oo u warantay Markacadey.com ayaa sheegtay in ay ka war heleen rasaas xoogan oo ooda looga qaaday, islamarkaana qof walba uu ku ordey meesha uu ciirsan karo, waxaana ay intaa ku dartay in Maleeshiyada shabaab markii ay gudaha usoo geleen deegaanka ay gubeen dhamaan guryihiin halkaasi ku yiilay.

“Minanyaheena aan ku jirni, waxaan ka imaani xoolo waxaana hal mar ka war helnay xabad dhinacyaha nooga timid, waan kala roorni ka dib meesha waxa soo galay Alshabaab anagoo meel u muuqato joogno aan aragnay mininyaheenii oo la gubaayo” ayey tiri haweeney la hadashay Markacadey.com.

“Hada meel banaan ah ayaan joognaa, manaqaan sababta gurayaheena loo gubay alshabaab ayaa na yeeshay” ayey hadalkeeda sii raacisay haweeneydan.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa horey saan camal u gubay deegaano badan oo ay degeneyd Beesha Biimaal, waxaana ka mid ahaa deegaanad Hareeraley, Buulgaruun, Muuri iyo kuwo kale mana la oga sababta arintaasi ka dambeysa marka laga reebo barakicin hor leh oo ku socoda Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open