Dhageyso Maamulka GalMudug Oo Lagu Eedeeyey Inuu Masbuus Ahaan U Soo Qabsaday Nin Waalan Oo Reer Gaakacyo Ah

Maamulka Galmudug ayaa  koonfurta magaalada Galkacyo kusoo bandhigay saddex ruux oo ay sheegeen inay kamid ahaayeen ciidamada maamulka Puntland oo uu dagaal kala dhexeeyo.

Hooyo Maryan Cali Xirsi oo dhashay Siciid Xuseen Xasan oo ka mid ah maxaabiis maanta Galmudug soo bandhigtay ayaa warbaahinta u sheegtay in wiilkeeda xalay labo saac uu xaafadda ka tegey kadibna ay la’dahay meel uu ka baxay.

Hooyo Maryan ayaa sheegtay in Siciid uu hayo xanuunka dhimirka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open