Dowladda Masar Oo Maraakiibta Ka Gudbeyso Kanaalka Suweys (Suez Canal) Ku Soo Rogeyso Sharci Cusub

Dowladda Masar ayaa sharci cusub ku soo rogtay Maraakiibta Caalamiga ah ee maraayo Marinka Suweys (Sues Canal) ee dalka Masar. Sharciga cusub oo aan weli la dhaqan gelinin ayaa dhigaayo in Maraakiibta ganacsiga ee adeegsado Suez Canal inay lacagta canshuurta bixiyaan 3 ama 5 sano oo hormaris ah.

Maareeyaha shirkadda AB Moller Maersk group oo ah shirkad caalami ah oo qaabilsan Isu-gudbinta Badeecadaha Aduunka(Shipping logistics) ayaa sheegay inay dib-u-eegis ku sameynayaan dalabka cusub ee dowladda Masar uga yimid.

Dowladda Masar ayaa Shirkadda AB Moller Maersk group kaligeeda ka hesho dhaqaale gaarayo 2.1 Trillion dollar sanadkiiba, waxaana sidoo kale shirkaddan u shaqeeyo 7800 qof oo ah muwaadhiniin u dhashay dalka Masar.

Dowladda Masar ayaa dhaqaalaheeda hoos u dhac weyn laga dareemay 3 dii sano ee la soo dhaafay, waxaana dhaqaale burburka Masar lagu sababeynayaa maamul xumada dalka ka jirto iyadoo aqoonyahadii u dhashay dalka Masar ay ka carareen dalkooda kadib afgembigii xukunka uu ku qabsaday madaxweyne C/fataax Al-Sisi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open