Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lala Beegsaday Saldhigga Ciidamada AMISOM Ee Magaalada Beledweyne

Saldhigga labaad ee ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Jabuuti ku leeyihiin galbeedka Baledweyne ayaa lala beegsaday qarax culus oo khasaaro ay ka soo gaartay askar iyo dad shacab ah.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa sheegtay inay baabuur xamuul ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa la beegsadeen saldhigga ciidamada Jabuuti ku leeyihiin galbeedka magaalada Bedweyne.

 

Alshabaab waxay sheegteen in weerarkan ay ku dileen 17 askari oo Jabuutiyaan ah tobaneeyo kalana ay dhaawceen.
Marka laga soo tago sheegashada Alshabaab majiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM ama dhanka dowlada oo ka hadlaya khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open