Ceelkii Hareeraley Oo La Burburiyey Iyo Inta Badan Guyaha Deegaankaas Oo Caawa Guubanaya

Deegaanka Hareeraley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa wararka naga soo gaaray waxay caawa sheegayaan in Maleeshiyaadka Alshabaab ay burburiyeen Ceelkii ku yiilay deegaankaasi.

Sida ay ku warameen dadka deegaanka Alshabaab ayaa galabta Gabal dhicii burburiyey Ceelka, waxaana la xaqiijiyey in dab qabad siiyeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in inta badan guryaha Shacabka caawa dab la qabad siiyey, iyadoo horey qoysaskii halkaasi u degenaa ay uga barakaceen ka dib markii culeys laga saaray dhaq dhaqaaqa deegaanka.

Deegaano dhowr ayaa hore Shabaabku u gubeen iyadoo ay ugu dambeysay deegaanka Gubyarey oo habeen hore guud ahaan la baabi’iyey, waxaana dhaqamadan ay shabaabku ku doonayaan in ay ku argagaxiyaan shacabka Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open