Ciidamada Itoobiya Oo Maanta Isaga Baxay Saldhigyo Ay Ku Lahaayeen Degmada Tiyeglow

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool Ayaa ku waramaya in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ay maanta baneeyeen degmo muhiim ah oo ku taala Gobolkaasi.

Wararka aan heleyno ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Itoobiya ay maanta faarujiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool halkaas oo ay ku sugnaayeen seddaxdii sano ee lasoo dhaafay.

Saacado ka dib markii ay sii jeesteen gaadiidkii ay wateen Ciidamadan ayaa la sheegay in saldhigyada ay baneeyeen waxa soo galay dagaalyahaanada kooxda Shabaab oo markii hore ku sugnaa meel aan wax badan ka fogeyn degamada.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in Ciidamo badan oo ka tirsan dagaalyahaanada Shabaab lagu arkayo xarumaha maamulka iyo wadooyinka muhiimka ah, iyagoo wata hubka fudfudud iyo garbaha laga tuuro.

Wasaairka hub ka dhigista Maleeshiyaadka Maamulka K/galbeed Xasan Eelaay ayaa xaqiijiyey in Ciidamada Itoobiya ay maanta ay lumiyeen gacan ku heynta Tiyeglow waxaana tallaabadaas uu ku sheegay inay tahay mid lga xumaado.

Ciidamada Itoobiya oo horey u baneeyey degmooyin ka tirsan dalka Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay ka baxaan saldhigyo iyo xarumo ay ku leeyihiin Gobolada Koonfurta iyo bartamaha dalka, mana la oga sababta ka dambeysa in Ciidmadan ay markale fursado siiyaan dagaalyahaanada Kooxda Shabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open