Koox Loo Maleenayo Daacishta Soomaaliya Oo La Wareegtay Gacan Ku Heynta Degmada Qandalada

Koox loo maleenayo inay ka mid yihiin Daacishat ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegtay gacan ku heynta degmada Qandala oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Gedo.

Ciidamo la sheegay inay afka soo duubteen ayaa gudaha Qandala kulmo kula qaatay dadka deegaanka oo ay ugu baaqeen in ay qaataan fikirkooda ayna la dagaalamaan Ciidmada Maamulka Puntland oo ay ku tilmaameen kuwo kasoo hor jeeda.

Dad jooga Qandala ayaa warbaahinya u sheegay in Ciidamo gaaraya ku dhawaad 100 askari ay gudaha usoo galeen, islamarkaana lagu arkayo xaafdaha iyo xarumaha Maamulka.

Saraakiisha Puntland oo ay wax ka weydiisay warbaahinta qabsashada degmadan muhiimka ah ayaa xaqiijiyey in kooxo hubeysan oo loo maleenayo in ay kasoo baxeen buuraha Golis ay la wareegeen Qandala.

Degmada Qandala oo qiyaas ahaan in ka badan 75 km u jirta magaalada Boosaaso ayaa istaatiiji u ah isa socodka Beriga iyo Badda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open