Maamulka Puntland “Galmudug, Daacish Iyo Shabaab Waa Isku Mid, Qandala Waanu Xorayneynaa, Gaalkacyo waanu Difaacaynaa” (Video)

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faro-wayne ayaa ka hadlay xaalad adag oo ka taagan magaalada Garoowe oo ay ka dilaacday Budhcad, iyo Boob ka socda Duleedka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Ciidanka Kooxda Daacish ee qabsaday magaalada Qandala ee Gobolka Bari, Wuxuuna sheegay in dagaalka Gaalkacyo iyo Qandala ay isku mid yihiin.

“Dagaalka Gaalkacyo iyo Kan Qandala waa isku mid, Qandala waanu Xoraynaynaa, Gaalkacyo waanu Difaacnay, waana Difaacaynaa, Galmudug, Al-shabaab iyo Daacish waa isku mid” Ayuu yiri Faro-wayne.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open