Wadamo Ka Mid Ah Qaaradda Afrika Oo Xiriirka U Jaray Maxkamadda Dambiyada Aduunka Kadib Markii …

Dalalka Gambia iyo Koonfur Afrika ayaa todobaadkii la soo dhaafay ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiya Dagaalka (international Criminal Court).

Wasiirka warfaafinta Gambia mudane Sheriff Bojang ayaa warbaahinta uga warbixiyey ka bixitaanka Gabia ee maxkamadda ICC isagoo sheegey in maxkamadani ay noqotey mid lagu takooro dadka midabkooda madoow.

Waxaa la saadaalinayaa inay sii kordhaan wadamada Qaarada Afrika ee xiriirka u jarayo Maxkamadda Dambiyada Adduunka oo lagu eedeeyey in kaliya ay bartilmaameedsato hoggaamiyeyaasha Afrikaanka ah.

Madaxweynaha Sudan Cumar Albashiir iyo madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa uhuru Kenyatta iyo William Ruto ayaa ka mid ah madaxda ay bahdilaadda weyn ku sameysay maxkamadda ICC.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open