War Deg Deg Ah Weerar Jid Gal Ah Oo Caawa Lagu Qaaday Maleeshiyada Alshaab

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelad hoose ayaa ku waramaya in caawa weerar lagu qaaday Maleeshiyaad Shabaab ah oo wadada maraayey.

Weerarka oo ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ayaa lagu soo waramayaa in wadada loo galay Koox Maleeshiyaad Shabaab ah oo marayey inta u dhaxeysa deegaanada Sabiid iyo Caanoole.

Xog hor dhac ah oo ay soo gudbiyeen sarakiisha Ciidamada deegaanka ee weerarkan hogaaminayey ayaa tilmaameysa in khasaare xoogan ay u geysteen Maleeshiyadii ay weerarka jidgalka ah ku qaadeen.

Inta la ogyahay waxa jira khasaare kala duwan oo la gaarsiiyey Shabaab, iyadoo aanu jirin wax khasaare ah oo soo gaaray Ciidamada howlgalka fuliyey.

Maleeshiyadan la weeraray oo xogtooda la haayey inta aan jidka loo galin ka hor ayaa sida la sheegay lugeenayey, waxaana ay gaarayeen ku dhawaad 80, maleeshiyo oo qorsheenayey in ay u guuraan saldhigyo kale ama ku jirey xaalada aag Bedelasho.

Lasococwixii warar ah ee kusoo kordha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran