Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti U Joogo Somalia Oo Maanta Booqanaayo Gobolka Hiiraan

Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya magaalada Muqdisho Aaden Xasan Aaden oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa Maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Danjire Aadan ayaa ujeedada socdaalkiisa tahay sidii ay ugu kuurgali lahaa habsami u socodka hawlaha nabad ilaalin ee ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ka wadaan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, danjiraha wuxuu qiimeyn ku soo sameynayaa xajmiga khasaaro ee weerarkii Ismiidaamin ee maleeshiyada Alshababaab maalmo ka hor ku qaadeen saldhig ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Beledweyne.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open