Jaaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose Oo Kullan, Kula Yeeshay Xafiiska (F.C.O)Ms.Caroline Vaudrey, Oo Ah Agaasimaha Arimaha Afrika

Kullanka oo ahaa mid ay soo qaban-qaabisay waaxda Arimaha Afrika (Somali unit), kullankaasi oo ahaa mid xasaasi ah, oo loogu hadlaayay Arimo badan oo khuseeyso Maamulka Koonfur galbeed.

Guud ahaan, waxaa Diirada lagu saaray si weeyna loogu gorfeeyay xaalada guud ee Gobolka Shabeelaha hoose, Amni-darada iyo Maamul-xumada ka jirta sidii xal loogu heli lahaa, loogana taageeri lahaa Ciidamada madaniga ee ILAALINTA SHACABKA GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE.

Kuwaasi oo u istaagtay sidii ay ugu qeeyb qaadan lahaayeen Horumarinta iyo Difaaca Dadka iyo Deegaanada Gobolka Shabeelaha hoose, oo ay Hooy ka dhigteen kuwa maalintii ciidamada qaranka sheegta habeenkiina Afka Duubta,

Kullankaasi waxa uu ku soo dhamaaday Jawi is Af-garad iyo Guul. Mas’uuliyiintii kullanka ka qeeyb galay waxaa ka mid ahaa :- Malaaq,Maxamed Khaliif Suldaan, Aba -nuur Dr,Cali Cabdi Baab Eng.Aamina Khaliif siidow M Dr,Cabdullaahi Shiikheey Baaxasan Pro.Saamiya sheekh-nuur

Waxaan kaloo kullanka loogu hadlay sidii Qurba-joogta Gobolka Shabeelaha hoose ay ugu qeeyb qaadan lahaayeen Horumarinta Gobolkooda, si loo horumariyo ADEEGYADA AAS-AASIGA EE BULSHADA U BAAHANTAHAYa

14274317_1172921332774815_1578691163_o 14813432_1172908446109437_948327254_o 14825680_1172908329442782_923186375_n 14874853_1172909012776047_1539933013_n 14874947_1172906776109604_95749730_n 14875044_1172909139442701_1502642758_n 14877709_1172908932776055_1832644349_n 14877810_1172908756109406_1392128331_n 14877931_1172908686109413_740652242_n

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open