Maleeshiyada Shabaab Oo Saake Ku Jrmaaday Deeghaanka Nagaada Weyne Iyo Ceelkii Deegaankaas Oo La Burburiyey

Maleeshiyada duur ku jirta ah alshabaab ayaa saake weerar ku qaaday deegaanka Nagaadaweyne ee Gobolka Shabeelada hoose.

Deegaanka Nagaada-weyne oo laamiga ka xiga dhanka wabiga ama dhanka Koonfureed ayaa aad ugu dhow deegaanka Ceelwareegow ee Gobolka Shabeelada hoose, waxaana halkaasi degenaa qoysas ka barakacay deegaanada Buulnaagey, Hareeraley iyo meelo kale.

Saake ayaa lagu soo waramayaa in weerar saf ah ay ku qaadeen Maleeshiyada Alshabaab oo kaga yimid dhinaca Busley kuwaas oo burburiyey Ceelkii deegaanka ku yiilay islamarkaana ay dhaansanayeen dadka iyo xoolaha.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in la gubay guryo tira badan oo aan la haayinin tiradooda saxda ah, iaydoo dadka ay yihiin kuwo nafsadooda uga baqay rasaas xoogan oo deegaanka ay kusoo galeen Maleeshiyadan.

Dhanaca kale waxa jira warar sheegay in Maleeshiyada Shabaab ay dhacday Geel ay lahaayeen xoolaley kasoo jeeda Beesha Biimaal.

Tirada Geelka la dhacay ayaa tira ahaan lagu qiysaasay 95-115 Neef oo ku dhaqnaa duleedka Awdheegle, sida aan xogta ku helnay Geelka la dhacay ayaa horey looga soo saarayu Deexda Magaalada Nambar 50.

Ficillada foosha xun ee ay ku dhaqmayaan Maleeshiyada Shabaab ayaad moodaa inay ku tashteen sidii deegaanka ay uga barakcin lahaayeen Beesha Biimaal oo dagaalo kala duwan deegaankan kula gashay Madow Cadaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open