Dad Ka Cararay Dhibaateynta Alshaabka Qabsaday Degmada Tiyeeglow Oo Gaaray Magaalada Xudur (Sawiro)

Magaalda Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool waxa maanta gaarey  Boqolaal Shacab ah oo dhibaateysan kuwaasoo ka baxsaday colaadka ka taagan Degmada Tiyeeglow.

Degmada Tiyeeglow oo ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ayaa waxa la wareegay dagaalyahaanada kooxda Shabaab oo durbaba bilaabay dilka dadka shacabka ah ee ku eedeeyaan la shaqeynta Ciidamada Dowlada.

Shacabaka gaaray degmada Xudur ayaa sheegay in ay kasoo cabsadeen Shabaabka halkaasi la wareegay oo ay ku tilmaameen kuwo bahallo ah oo aan dan ka leheyn nolosha dadka shacabka.

barac3 barakc2 barkac-1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open