Dhageyso Hub Loo Siday Galmudug Oo Lagu Qabtay Deegaanada Ahlusunnah Ee Gobolada Dhexe

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne oo maanta ka hadlaayey dibad bax ay dhigeen Shacabka magaalada Gorowe ayaa dowlada Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeyeey inay hub usoo dhiibtay Ciidamada Maamulka Galmudug.

Cumar Faraweyne ayaa sheegay in deegaanada ay maamulaan kooxda Ahlu sunnah ee Gobolada dhexe lagu qabtay hub loo waday Cadaado kaas oo uu tilmaamay in ujeedkiisu ahaa in lagu dagaalamo Ciidamada Puntland ee Gaalkacyo ka dagaalamaya.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa hadalkiisa intaa raaciyey in Gaalkacyo dagaalka ka socda laga abaabulayo Muqdisho, isagoo dowlada fedaraalka ku eedeeyey in ay hurineyso Colaada labada Maamul u dhaxeysa.

Cumar C/laahi Faraweyne Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay ku fashilantay wax ka qabashada Deegaanadii horey looga saaray Shabaab oo intooda badan haatan ay dib u qabsadeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open