Isbaheysiga Shabaab Iyo Mooryaanta Shabeelada Hoose Oo Shacabka Busley Ku Dhaqan Ku Amartay Inay Guuraan

Maleeshiyada isbaheysiga ee Shabaab iyo Mooryaanta Habar gidir ayaa maanta shacabka ku dhaqan deegaanka Busley-daa’uud ku amray in ay isaga guuraan halkaasi.

Maanta ayaa horjoogayaasha hlkaasi xooga ku haaysta ay ku amreen shacabka in ay u guuraan deeganada Koonfur ama Galbeed kaga beegan Wabiga Shabelle,.

Dad ku dhaqan Buslay oo goor dhow la hadlay Warsidaha Markacadey.com ayaa sheegay in ay bilaabeen sidii ay uga qaxi lahaayeen guryahooda ayna u raadsan lahaayeen deegaanada lagu amray in ay ku noolaadaan, waxaana durbaba bilowday qaxa shacabka.

Amarkan ayaa la mid ah amaro hore loo soo siiyey Shacab ku dhaqnaa tuulooyin badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose halkaas oo markii dambe isbaheysiga ku mideysanyihiin Barakicinta Beesha Biimaal ay gubeen guryaha iyo Ceelashii ku yiilay deeganada laga guuray.

Beesha Biimala ayaa wajaheysa dagaal wajiyo badan oo ay ku midoobeen Maleeshiyada duur ku jirta ee Shabaab iyo Mooryaanta Habargidr oo xoog ku haaysata inta badan Gobolka Shabeelada hoose.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open