Kooxo Hubeysan Oo Magaalada Muqdisho Ku Toogtay Taliyihii Boliiska Degmada Marka

Kooxo ku hubeysan bistoolado ayaa magaalada Muqdisho waxay ku toogteen Col. Ismaaciilow oo mar soo noqdy Taliyaha Bosliiska Saldhiga degmada Marka.

Taliyae Ismaciil Axmidey oo sida la sheegay ku sugnaa meel ku dhow xaafadiisa oo ku taala degmada Waaberi, gaar ahaan Beerta Jaadka waxa ayaa  rasaas la dhaceen kooxo ku hubeysan Bistoolado.

Kooxaha dilka Geystay ayaa isaga baxsaday goobta, iyadoo marxuumka loo qaaday Gurigiisa, mana jrin cid daba gashay dambiilayaasha toogashada geystay.

Col. Ismaaciil Axmidey ayaa mar soo noqday Taliyha Boliiska Saldhiga Marka, waxaana jagadaas ka horeysay in mar loo magacaabay Taliyaha Zaadka Gobolka Shabeelada Hoose.

Allah u naxriistee Marxuum Ismaaciil oo si weyn looga yaqaano Gobolka Shabeelada hoose ayaa dhawaan loo magacaabay Taliyaha Qeybta Gobolka Shabeelada hoose, inkastoo weli aanu shaqa bilaabin

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open