Safaarada Mareekanka Ee Ku Taala Magaalada Nayrioobe Oo ALbaabada Loo Laabay

Safaarada Mareekanka ee ku taala magaalada Nayroobe ee Caasimada dalka Kenya ayaa la xairay maanta oo Jimca ah.

Xriritaanka Safaarada oo ku soo bneegantay maalin ka dib markii afaafkeeda hore lagu toogtay nin Mindi ku weeraray askar ka tirsan Boliiska, waxaana gabi ahaanba la joojiyey shaqadii Qunsuliyada.

War qoraal ah oo lagu xaqoojiyey xiritaanka Safaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in muddo seddax maalmood ah oo ku eg 31-10-2016, ay xirnaan doont0, iyadoo sidoo kale warbixin lagu cadeeyey in aanay jirin wax waxyeela ah oo kas soo gaartay dhacdadii shalay shaqaalaha safaarada iyo muwaadiniinteeda u dhashay dalka Mareekanka.

Qoraal uu soo saaray Boliiska dalka Kenya ayaa lagu sheegay in Ninka Mindida ku hubeysnaa uu doonayey in uu xoog ku galo safaarada taas oo markii dambe keentay in ay boliisku toogtaan.

Ninkan oo da’diisa lagu sheegay 20 sano jir ayaa kasoo jeda Magaalada Wajeer sida ay tilmaameyso warbixin hor dhac ah oo la helayo, waxaana boliiska uu sheegay in ay socdaan baaritaano dher oo lagu xaqiijinayo ninkan weerarka Mindida loo adeegsaday ku qaaday Safaarada Mareekanka ee ku taala magaalada Nayroobi.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open