Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhiga Oo Beesha Caalamka Ku Eedeeyey In Uu Dhismi Waayo Ciidan Xoog Badan Oo Ay Yeelato Dowlada Soomaalia

Wasiirkii Gaashaandhiga xukuumada fedaraalka C/kariin Maxamuud Xaji Fiqi ayaa mar uu ka hadlaayey ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee koonfurta Soomaaliya ku sheegay in ay tahay mid ayaan daro u keeni karta Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Fiqi ayaa tilmaamay in dib u dhac xaga amniga ah ay ku keeni karto in laga baxo magaalo horey looga saaray shabaab, waxaana taas uu ku sheegay habacsanaanta iyo taya la’aanta xaga Ciidamada ee haaysata dowlada fedaraalka

Isagoo sii hadlayey Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga ayaa ku eedeeyey Beesha Caalamka in ay raali ka aheyn in la dhiso Ciidan uu yeesho qaranka Soomaaliya si shaqada loogala wareego Ciidamada Amisom oo hada uu ku baxo dhaqaale adag.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open