Deg Deg Ciidamada Deegaanka Oo Howlgal Lagu Soo Qabtay Hub Iyo Rasaas Ka Fuliyey Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Ciidamada deegaanka ee Beesha Biimaal ayaa saake howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Bariiire ee Gobolka Shabeelada hoose.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay xaafad ka tirsan deegaanka Bariire, halkaas oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyada argagaxisada ee Alshabaab.

Ciidamada deegaanka ayaa markii hore la kulomay iska caabin xoog badan hase ahaatee xeeladaha dagaal, gaar ahaan qidooyinka weerarka oo ay ku dheereeyaan saraakiisha deegaanka ayaa qasbay in goobta laga saaro Maleeshiyada weerarka lagu qaaday.

Holgalka oo qaatay ku dhawaad laba saacadood ayaa waxa lagu soo furtay hub iyo saanad Milateri oo ay ka carareen Maleeshiyada, halka goobta weerarka uu ka dhacay looga soo tagay ilaa afar Meyd oo rasaastu ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirka.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka oo howlgalka ka dib war kooban siiyey Markacadey.com ayaa xaqiijiyey in ay soo qabsadeen shan qori oo Ak47 ah, hal qori oo Baasuuke (RPG) iyo laba jaqfada oo rasaas.

Ciidamada deegaanka ayaa si nabad ah dib waxay ugu laabteen saldhigaay markii hore ka weerar tageen, waxaana saraakiisha holwgalkan hogaaminaysay ay sheegeen in saacadaha soo aadan ay bixin doonaan macluumaad la xiriira howlgalkan qorsheysan.

Ciidamada deegaanka ayaa kordhiyey weerarada iyo howlgallada ay ku qaadayaan xarumaha iyo saldhigyada laga soo abaabulo dagaalada barakicinta ah ee lagu haayo deegaanada Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open