Dowlada Imaaraadka Oo Marti Qaaday Madaxda Dowlada Fedaraalka Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Dalka

Dowlada imaaraadka carabta oo lagu tiriyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya ayaa marti gelisay shir gaar ah oo ay yeelan doonaan Madaxda dowlada fedaraalka iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Magaalada Dubai ayaa maalmo ka hor waxa gaaray Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Islaam Axmed  Madoobe, waxaana shalay halkaasi gaaray Madaxweynayaasha Maamulada K/galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug kuwaas oo ku biiray Madaxweyne Axmed Madoobe.

Maanta gelinkii dambe Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka dhoofay magaalada Gorowe oo xarun u ah maamulka Puntland si uu u gaaro Dubai, warar aan la xaqiijin ayaa ku waramaya in maalinta berita ah uu Dubai u dhoofi doono Raysalwasaaraha xukuumada waqtigeedu dhaamaday Cumar C/rashiid Cali Sahramaarke.

Kulankan gaarka ah ee ay qabatay dowlada Imaaraadka ayaan la ogeyun waxa looga hadli doono iyadoo warar hoose oo soo baxa ay ku waramayaan in diirada la saari doono  arimaha doorashooyinka ee dhawaan ka qabsoomi doonta Soomaaliya.

Dowlada  isku tagga Imaaraadka Carabta ayaa damac weyn waxay ka leedahay in door fir fircoon ay ku yeelato shakhsiga kusoo bixi doona xilka Madaxweynenimo ee loo dooran doono Soomaaliya.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open