FBI Maraykanka Oo heshey Xog Cusub Oo Ku Aadan Email-ka Hillary Clinton

Booliska Federaalka Maraykanka ee FBI ayaa bilaabey baaritaan cusub, kadib markii ay heleen xog cusub oo la xiriirta Emailka musharaxa Madaxweynaha Maraykanka Hillary Clinton, xili doorashada Madaxweynaha ay ka harsan tahay maalmo keliya, iyada oo malaayin qof oo kale ay codkoodi dhiibteen.

Agaasimaha Hay’adda FBI ee dalka Maraykanka James Comey ayaa warqad u direy Komishanada Aqalka Kongress-ka Maraykanka oo uu la socodsiinayo xogtan cusub, Comey ayaa sheegay in aysan garaneyn muddada ay qaadan doonto baaritaankan, wuxuuse sheegay in ay yihiin kuwo macne u leh dhacdada Serverka gaarka ah ee Hillary isticmaashey.

Warbaahinta qaar ayaa sheegaysa in xogta cusub ee FBI-du heshay laga helay haweeneyda la yiraahdo Huma Abedin oo gacan yare u ahayd Hillary Clinton 2009-2013. Wararka ayaa intaas ku daraya in xogtan cusub ay la xiriirto baaritaan ku aadan Anthony Weiner oo ka tirsanaaan jirey aqalka Kongress-ka kadib markii uu fariin galmo la xiriirta telefonka ugu direy gabar 15 sano jir ah.

FBI ayaa horey baaritaan ugu hayey Anthony Weiner arrimo la xiriira galmo, sair anshax xumo ah iyo xiriir uu la sameeyey gabar 15 sano jir ah oo deggan gobolka North Carolina.

Arrintan waxaa ka faa’ideystey oo ay u noqotey mid uu si weyn ugu farxay ninka la tartamaya Hillary Clinton oo rajadiisu ahayd mid ka hooseysa tan Hillary, waxaana uu ku tilmaamey fadeexadii ugu weyneyd ee qarniga ee lamid ah tii Watergate ee Todobaadanaadkii, waxaana uu dalbadey in tartanka laga saaro Hillary Clinton, waxaana uu ku tilmaamey qof aan la aamini karin.

Hillary oo jawaabtey

Dhacdadan ayaa Hillary Clinton ku noqotey mid ay aad uga naxdey iyada oo doorashada maalmo keliya ka harsan tahay.

Hillary Clinton oo ol-oleehada doorashada ka wadey maalintii Jimacada gobolka IOWA ayaa sheegtey in waxa FBI heshey ee xiligan lagu soo beegay ay muhim tahay in shacabka Maraykanka loo soo bandhigo oo ay ogadaan, waxay sheegtey in aysan waxba ka bedeleyn baaritaankii la soo xirey bishii July ee sanadkan.

ISHA Horsheedmedida

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open