Madaxweyne C/weli Gaas Oo Maanta Daah Furey Kalfadhiga Baarlamaanka Puntaland (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furey kalfadhigii 38-aad ee Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 44 mudane ayaa Waxaa ka  soo qaybgalay Madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji Cumar Camey, Xubnaha Garsoorka, Golaha Xukuumadda, Saraakiisha Ciidamadda, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Wakiiladda Ururadda bulshada rayidka ah, Wakiiladda hay’adaha Caalamiga, Qunsiliyada dowladda Ethipia ee Garoowe, Haweenka iyo Marti sharaf kale.

Madaxweyne Gaas oo kulanka qudbad dheer ka jeediyey ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ku talaabsatay hormar dhinacyo kala duwan ah, isagoo soo hadal qaaday arimaha ay ka midka yihiin Siyaasada, Amniga, hormarka adeegyada bulshada, Dhiiragalinta Ganacsiga, soo kicinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo arimo kale.

Mar uu ka hadlayey dagaalada Gaalkacyo iyo Qandalada ayuu sheegay in puntalnd lagu soo duulay, isagoo yiri “Cadowga ku soo duulay Puntland, ama shaati argagixiso ha soo qaato a, shaati qabiil ama mid federaal, waxaan idiin balan qaadayaa in Puntland si isku mid ah ula dagaalamayso”.

5i2a7472 5i2a7478 5i2a7483 5i2a7485 5i2a7487 5i2a7489 5i2a7491 5i2a7493 5i2a7494 5i2a7500 5i2a7501 5i2a7502 5i2a7520 5i2a7538

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open