Dagaal U Dhaxeeya Alshabaab Iyo K/galbeed Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhaba

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa ku waramaya in halkaas dagaal culus uu ku dhex maray Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed iyo Maleeshiyada Alshabaab.

Dagaalka ayaa wararka laga helaayo waxay sheegayaan in uu ka dhacay deegaanka Goof-gaduud oo qiyaas ahaa 30 km u jirta Baydhaba, waxaana lagu waramayaa in dagaalka khasaare kala duwan uu geystay.

Dagaalka uu yimid ka gadaal markii maleeshiyada Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Koonfur galbeed ay ku sugnaayeen, waxaana leys weedaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiisha Maamulka K/galbeed ayaa ku faanay in ay jabiyeen Maleeshiyada weerarka soo qaaday, waxaana ay ku nuux nuuxsadeen in khasaare lexaad leh ay gaarsiiyeen dhinacii kasoo horjeeday ee ay la dagaalameen, waxaana dhankooda ay shegeen in uu jiro khasaare.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa weli wada dagaalada ay kaga soo horjeedaan Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ee ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Baay, waxaana deeganada qaarkood ee ay weeraraan ay ka geystaan falal ka baxsan bina’aadanimada.

War Madax banaan oo saake naga soo gaaray Deegaanka Goof-gaduud ayaa ku waramaya in Shabaabkii halkaasi soo weeraray ay la wareegeen saldhiga deegaanka iyo xarunta Maamulka, ayna halkaasi weli ku suganyihiin.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open