Dhageyso Calaacalka Mooryanata Gacan Saarka La Leh Maleeshiyada Shabaab Ee Xooga Ku Haaysata Beeraha Shabeelada Hoose

Mid ka mid ah tuugada xooga ku haaysata beeraha Gobolka Shabeelada hoose oo wareysi siiyey warbaahinta Mooryaanta u adeegta ayaa calaacal afka furtay.

Mooryaankan ayaa eedeymo usoo jeediyey hogaanka Ciidamada deegaanka oo uu ku eedeeyey inay dhibaato ka wadaan qeybo ka tirsan Shabeelada hoose, waxa uu ku calaacalay in beeraha ay xoogga ku joogaan ay ku nasan la’yihiin iyagoo la kulmaya weeraro joogta ah.

Warbaahinta Kulmiye oo¬†Calaacalka iyo qeyla dhaanta Mooryaanta sii deysay ayaan wax su’aal ah ka weydiin xaalada ay ku sugnayihiin Shacabka ay barakicinta ku hayaan Isbaheysiga Shabaab iyo Mooryaanta dhul boobka.

Kooxaha dhul boobka ka wada shabeelada hoose ayaa adeegsanaya shaar walba iyo fikir kasta oo ay ku qabsan karaan deegaanada Beesha Biimaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open