Dhul Gariir Geystay Burbur Xoog Badan Oo Ka Dhacay Dalka Talyaaniga

Dhul gariir xoog badan oo awoodiisa lagu qiyaasay 6.6M ayaa aroornimadii maanta waxa uu ka dhacay Wadan Talyaaniga. Dhul Gariirkan oo galaaftay nolosha dad badan ayaa awoodiisa laga dareemay magaalada Caasimada ah ee Rooma.

Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysa Madaxda hey’adaha gurfmad ayaa baahisay in  guryo badan ay ku baaba’een, islamarkaana uu jiro khasaare xoogan oo ka dhalatay musiibada dhacday.

Ma jiro wax war ha oo kasoo baxay badbaada rayidka ee Talyaaniga, maalmo ka hor ayaa dhul gariir kale waxa uu ka dhacay dalka Talyaaniga iyadoo khasaare badan  uu u geystay dad shacab ah.

Waxaana kani noqonayaa kii afaraad tan iyo bishii Agoosto 2016-dii, xagaagii lasoo dhaafay ayaa dhul gariirkan mid la mid ah wuxuu ka dhacay bartamaha Talyaaniga, kaas oo ku geeriyoodeen in ka badan 250 qof.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open