Mooryaanta Habargidir Oo Degmada Afgooye Ku Dilay Wiil U Dhashay Beesha Biimaal

Mooryaanta Habargidr ee magacyada iyo shaararka kala duwan ku haaysata degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa toogasho ku dilay wiil dhalin yara ah oo u dhashay Beesha Biimaal.

Wiilkan oo lagu magacaabo Ibraahim Xaaji ayaa in muda ah ku noolaa degmada Afgooye waxaana lagu waramaya in Mooryaanta ay kala soo baxeen Guri uu degenaa, ka dibna ay toogteen.

Ehelada ninkan oo la hadlay Maracadey.com ayaa sheegay in wiilkooda loo dilay aana qabiil ama dilka wiilkooda uu la xiriiro dilalka ay Mooryaanta Habargidir kula kacayaan dadka kasoo jeeda Beesha Biimaal.

Dilkan ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa muujinaya in Mooryaanta Habargidir ay sinaba ay ku dhaafeyn shakhsi walba oo kasoo jeeda Shaeelada hoose ama u dhashay Beesha Biimaal, meel kasta oo ay ku suganyihiin.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open