Taliska Boliiska Oo Sheegay In La Xiri Doono Dhawaan Wadooyinka Halbowlaha Ee Muqdisho

Taliska Boliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhawaan la xiri doono wadooyinka halbowlaha ee ku yaa;la magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Wadooyinka la xirayo ayuu Bishaar Abshir Geeddi oo ah taliyaha Boliiska Gobolka Banaadir uu sheegay in lagu xaqiijin doono amaanka Caasimada gaar ahaan goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka.

Taliayaha ayaa ugu baaqay Shacabka Gobolka Banaadir in ay muujiyaan dul qaad inta ay dhaceyso doorashada islamarkaana ay xiranyihiin wadooyinka, isagoo dhinaca kale Shacabka ugu baaqay in ay ku dadaalaan la shaqeynta Ciidamada amaanka.

Inta badan Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa ku dhiban xirnaashaha wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho, mana jirto cid wax ka qabaneysa cabashooyinka dadka Shacabka ah.

Marka ay xirmaan wadooyinka muhiimka ah ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxay xiyiraad saaraan inta badan dhaqdhaqaaqa shacabka sida shaqooyinka iyo waxbarashda, iaydoo ay jiraan xirnaashahaasi ayaa hadana waxa la arkaa in ay dhacaan falal liddi ku ah amniga caasimada.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open