Warbixin Xaaladaha Dhaawacyada Kooxdiisa, Zlatan Oo U Baahan Nasiino, Dhibaatada Mourinho Iyo Waxyaabaha Looga Baahan Yahay Man United Iney Xaliso

Manchester United waxay sidii ay doonto u maamushay kulankii ay xalay la ciyaareen Burnley ee ka dhacay Old Trafford, waxya dhinac waliba ka weerareen kooxda Sean Dyche waxayna qasaariyeen fursado badan, xaalka ayaa ku xumaaday markii ciyaarta laga saaray Jose Mourinho kadibna loogu daray Ander Herrera, hadaba waxaan warbixintaan ku eegeenaa arimaha qasabka ay ku tahay xalintooda waliba si degdeg ah kooxda Man United:

Qaab Ciyaareedka Liita Ee Ibrahimovic

Kadib afar gool uu ka dhaliyay afartiisii kulan ee ugu horeysay kooxdiisa Manchester United, Zlatan Ibrahimovic ayaa haatan kaliya hal gool dhaliyay sagaalkiisii kulan ee ugu danbeysay, xaqiiqooyinka ayaana aheyn kuwa garab siinaya joogdheeraha Sweden kaasoo shalay sameeyay 12 isku day kulankii ay ku hor kufeen Burnley waana isku dayadii ugu badnaa ee uu ciyaariyahan ka sameeyo Premier League tan iyo 2011.

Burnley goolhayaheeda Tom Heaton ayaa badbaadino cajiib ah ka sameeyay Ibrahimovic laakin 35 jirkaan qudhiisa wuxuu qasaariyay SIDEED fursadood oo cadcad waana in ka badan ciyaariyahan kale oo ka ciyaara Premier League inta uu qasaariyay waxaana ugu darneyd kubadii cjaiibka aheyd ee uu Paul Pogba u soo karoosay daqiiqadii 89aad ee kulanki xalay, hubaal nasiino ayuu u baahan yahay si Rashford uu uga ciyaaro afka hore.

United Waa Qasaare

“Ibrahimovic wa dhameystiri fiican oo goolal kasoo dhaliyay caalamka oo dhan, ma rumeysan doono inuu kulankaan ka baxay gool la’aan, dhibaatada ma aha kaligiis waa dhex bixinta kooxda oo liidata” ayuu yiri halyeeyga kooxdaas ahna falaanqeeyaha haatan ee Sky Sports Gary Neville.

Tani waa markii ugu horeysay ee uu Ibrahimovic gooldhalin waayo lix kulan oo horyaal ah tan iyo bishii December sanadi 2007 markaasoo uu Inter Milan.

Waxay madax xanuun ku tahay Mourinho, laakin Ibrahimovic kaligiis masuul kama aha gool la’aanta oo waxaa goolal cadcad qasaariyay dhamaan Wayne Rooney, Pogba iyo Juan Mata kulankii Burnley.

Dhibaatada Mourinho?

Mourinho ayaa maalmihii danbe jahwareer galay waxaana laga saaray ciyaartii shalay markii uu ka carooday in rigooro kadib markii qalad lagu galay Matteo Darmian dhamaadkii qeybtii koowaad, Mourinho ayaa loo heystaa dacwad ah inuu ka hadlay garsoore Anthony Taylor hadana waxaa markale sare u diray Mark Clattenburg taasoso keeni karta in laga ganaaxo diilinta garoonka.

Wuxuu la fariistay taageerayaasha ka hor intii uusan garsooraha afaraad Kevin Friend uusan u dirin xafiiska agaasimaha, kaaliyaha Mourinho, Rui Faria ayaa u muuqday mid ku maadeysanaya garsooraha wuxuuna yiri “Waxaan filayaa inuu garsooraha yahay kan ugu muhiimsana wuxuuna qabtay shaqo layaab leh, muhiim ma aha waxa uu dhahay Jose ee waxaa muhiim ah waxa uu qoray garsooraha” haatan Jose arin ayaa u taala.

Ganaaxa Herrera.

Xaalada Mourinho ayaa kasii dartay markii ciyaarta laga saaray Herrera kaasoo laba koor oo digniin ah ku qaatay Dean Marney, waxaana sida ay xaqiiqooyinka muujinayaan, Ander ayaa kamid ah ciyaartooyda ugu muhiimsan kooxda United, waa ninka sameeya baasaska ugu saxan dhamaan kooxda, sidoo kale wuxuu si layaab leh ugu soo baxay booska burburiyaha halkaasoo uu xoriyad buuxa siiyay Paul Pogba, haatan wuxuu seegi doonaa kulanka Swansea taasoo ah mashaqo kale oo u soo hoyatay Jose.

ander-herrera

DHaawacyada Soo Laab-laabta

Hal todobaad gudihiis, Mourinho ayaa waayay dhamaan sadexdisii daafac ee ugu muhiimsanaa, malaha kan ugu daran waa Eric Bailly kaasoo si layaab leh masuul kaga noqday daafaca kooxda tan iyo markii uu ka yimid Villarreal wuxuuna haatan kooxdiisa ka maqnaan doonaa labo bilood.

Bailly saaxiibkiisa daafaca dhexe ah ee Chris Smalling ayaa sidoo kale ka maqan kooxda Mourinho kadib markii uu ku soo dhaawacmay kulankii Chelsea, waxaana labadooda soo raacay Antonio Valencia, daafacaan midig ayaa isna qaliin galay wuxuuna maqnaan doonaa in mudo ah.

Maqnaashaha Mkhitaryan

Henrikh Mkhitaryan xaaladiisa ayaa ah mid lagu wareero, imaatinkiisa United waxaa sabab u ahaa  23 gool iyo 20 caawinaad uu u sameeyay kooxda Borussia Dortmund laakin haatan wuxuu boos xitaa ka la’yahay kursiga keydka kooxda Mourinho.

henrikh-mkhitaryan

Mourinho ayaa xaqiijiyay in Mkhitaryan uusan dhaawac aheyn laakin wuxuu tilmaamay inuu u baahan yahay awood jireed si uu ula qabsado kubada xooga ku dhisan ee ingiriiska laakin hubaashii United madaxdeeda waxaa waajib ku ah iney xal u helaan wiilka ku fadhiya £26.3 milyan ee pound.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open