Aqoonyahaan Maxamuud C/nuur “Musuqa Ugu Weyn Wuxuu Ka Jiraa Odayaasha Saxiixayaasha Oo Xubno Iyaga Ay Wataan La Rabo Kuraasta Aqalka Hoose”

Aqoonyahaan Maxamud Cabdinuur oo ka mid ah aqoonyahaanada Beesha Biimaal ayaa wareysi uu siiyey Idaacada Danan ee Magaalada Muqdisho ku sheegay in Musuq maasuq baahsan oo ay ku dhaqmayaan qaar ka mid ah Odayaasha lagu sheegay saxiixayaasha ee Beelaha ugu jira 135-ta Odey dhaqameed.

Maxamud C/nuur ayaa daboolka ka qaaday is daba marinta iyo musuqa ay wadaan Odayaal uu sheegay in ay ku howlanyihiin sidii ay u soo dhisi lahaayeen xubno ay doonayaan inay ku fadhiisiyaan kuraasta aqalka hoose ee Baarlamaanka fedaraalka.

Waxa dhinaca kale uu sheegay in dib u dhaca doorashooyinka  ay sabab u tahay dhaqan xumida Odayaasha saxiixayaasha oo haaatan dacwadooyin fara badan ay ka yaalaan gudiyada doorashooyinka heer fedaraal iyo kuwo maamul Goboleed.

Baaq dheer ayuu u direy Gudiyada Doorashooyinka isago ugu baaqay in ay dhegeystaan tabashooyinka kasoo yeereysa Samadoonada xaqooda ay ku tunteen qab qablayaal sanadii 2012-ka isku qorey inay yihiin Odayaal kuwaas hada lagu abaal mariyey in ay hogaamiyaan doorashooyinka ka dhici doona dalka.

Hadalka qaoonyahaan Maxamud Cabdi Nuur ayaa kusoo aadaya iyadoo Odayaasha is magacaabay ee Beesha Biimaal ugu jira Liiska 135-ta Odey ay wadaan wax is daba marin iyo musuqmaasuq, iyadoo ay muuqdaan dhaqamo ay lasoo baxeen Odayaashaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open