Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Iyo Kuwa Itoobiya Oo Howlgal Ka Wada Deegaanka Goof-gaduud

Ciidamada Maamulka K/galbeed iyo kuwa doiwlada Itoobiya ayaa howlgal waxay ka wadaan deegaanka Goof-gaduud oo ku yaala duleedka Magaalada Baydhaba.

Howlgalkan ayaa wuxuu ka dambeeyey ka dib markii Maleeshiyada Alshabaab dib looga saaray deegaankan oo dagaal ay kaga qabsadeen Ciidamada Maamulka Koonfur galobeed.

Ciidamada Itoobiya oo kasoo dhaqaaqay magaalada Baydhaba ayaa gurmad ahaan nu gaaray Goof-gaduud, waxaana Maleeshiyada Shabaab inta aan lagu soo gaarin deegaanka ay isaga baxeen dhanka howdka.

Huwanta is garabsaneysa ayaa gaaray deegaanka Manaas halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen haraadiga Maleeshiyada Shabaa, howlgalka oo ah mid amni xaqiijin ayaa weli ka socda goobaha lagu tuhmayo inay ku jiraan Shabaabka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open