Ciidamada Puntland Oo U Dhaqaaqay Magaalada Qandala Oo Ay Haaysato Kooxda Daacish

Ciidamada si gaarka ah u tawabaran ee Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqeen Magaalada Qandala ee Gobolka Bari.

Taliyaha Ciidamada Puntland ayaa ku goodiyey in ay dib ula wareegi doonaan Qandala oo ku taalla xeebaha Bada Cas, waxaana dhawaan dagaal la’aan la wareegay Ciidamo taabcsan Wadaadka lagu magacaabo C/qaadir Cali Muumin oo sanad ka hor ku dhawaaqay in uu ku biiray kooxda Daacish.

Magaalada oo ay ka barakaceen inta badan Shacabkii ku dhaqnaa ayaa laga dareemayaa gulufka Ciidamada Puntland, waxaana hada magaalada ku sugan dad yar oo u badan kalluumaysato.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay dhameystireen gulufka duulaanka ay ku damacsanyihiin in ay dib gacantooda ugu soo celiyaan Magaalada muhiimka u ah isku xirka Beriga iyo Xeebaha Bada cas.

Ciidamada la wareegay gacan ku heynta Qandala ayaa markoodii ugu horeysay dhawaan la arkay, waxaana muddo sanad iyo in kabadan ay ku jireen dhulka howdka ah ee deegaanada Puntland, waxaana kasoo wareegatay sanad markii ay ku dhawaaqeen in ay la midoobeen Kooxda isku magacaawday khilaafada islaamka ee Daacish.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa horey dagaalo adag la galay koox ka tirsan Maleeshiyada Shabaab oo kasoo degay xeebaha Gobolka Nugaal iyo Mudug, waxaana shabaabka halkaasi gaaray lasoo biday khasaare lexaad leh.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open