Dhageyso Maamulka Puntalnd Iyo Garabka Hubeysan Ee C/Samad Gallan Oo Heshiis Wada Gaary

Waxaa dhawaan degmada Carmo ee Gobolka Bari heshiis ku wada saxiixday Maamulka Puntland ee uu hogaaminayo C/wali Maxamed Cali Gaas Iyo Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan

Madasha heshiisku ka dhacay, waxaa ku suganaa hogaamiyaha Garabka Hubaysan Cabdisamad Gallan, waxaana dhinacyadu ay gaareen heshiis ku salaysnaa midnimo iyo nabad, iyadoona qoodbo lagu heshiisyay ay jiraan kuwaas oo fulintooda laga sugayo Maamulka C/weli Gaas.

Shiikh Yuusuf Axmed Daad oo ka mid ah Culimada Puntland ee hawlahaas u kacay markii Xiisadu soo baxday ayaa wareystay heshiiska labada dhinaca ay wada gaareen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open