Ishabeysiga Shabaab Iyo Mooryaanta Habargidir Oo Qorshe Halis Ah U Degay Deegaanka Ceeljaalle

Maleeshiyada Alshabaab ee dhawaaanahan dhibaatooyinka iyo barakicinta ka wada qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose ayaa wada qorshe halis ku ah dadka ku dhaqan deegaan weynaha Ceeljaalle ee duleedka Magaalada Marka.

Qorshahan ayaa la sheegay in Shabaabka ay ku go’doomin rabaan deegaankan oo ay ku dhaqan yihiin shacab fara badan oo kasoo qaxay deegaano dhowr ah oo horey Mooryaanta ay uga geysteen dhibaayooyin iyo gabood fallo.

Waxa jira warar sheegaya in Shacabka tirada yar ee ku nool Shalambood lagu amray in ay baneeyaan deegaanka islamarkaana ay u guuraan deegaanada koonfureed ee Gobolka, waxaana dadkaas lagu qanciyey in laga kala jaraayo isu socodka deegaanka Shalambood iyo Ceeljaalle.

Amarkan oo si hoose loogu qanciyey Mooryaanta horey u joogtay Shalambood ayaan la ogeyn in ay aqbali karaan iyo inkale hase ahaatee waxa la aaminsanyahay in Mooryaanta ay mar walba u hogaansamayaan amarada Maleeshiyada Shabaab, maadama ay isku dan ka wada leeyihiin deegaanada Beesha Biimaal.

Arintan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa si weyn looga hadal haayey deegaanada Shalambood iyo Ceeljaalle, mana jirto weli cid fulisay amarkan.

isbaheysiga

Deegaanka Gandaawi oo horey dhowr jeer ay ugu dagaalameen Ciidamada deeganka iyo kuwa Shabaab ayaa mar hore laga barakacay, waxaana deegaanada Beesha Biimaal qaarkood ku socda Barakcin iyo xasuuq ay wadaan Maleeshiyada isbaheysiga Shabaab iyo Mooryaanta.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa si dhow ula socda qorshayaasha ay maleegayaan isbaheysiga waqtiga sii horeeyey ka abuurmay deegaanada Beesha Biimaal, mana jirto wax war ah oo weli kasoo baxay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open