Jaaliyadda Beesha Biimaal Ee Boqortooyada Scauudi Arabiya Oo Kulan Wada Tashi Ah Ku Yeeshay Magaalada Jiddah (Sawiro)

Jaaliyada Boqortooyada Sacuudi Arabiya ee Beesha Biimaal ayaa shir wadatashi ah waxay ku yeesheen Magaalada Jiddah.

Kulankan wadatashiga ah oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Jaaliyada ayaa lagu qabtay Guriga Duqa Jaaliyada Xaaji Cumar Moordo, waxaana ka qeyb galay dhamaan Maamulka iyo qeybaha Jaaliyada, sida Duqa Jaaliyadda, Gudoomiyaha Jaaliyada Ku xigeenkiisa iyo howlwadeenada.

Xaaji Cumar Moordo oo ah Duqa Jaaliyada Beesha Biimaal ayaa kulanka ka sheegay in xaalado adag oo bina aadanimo ay wajahayaan dadka ku dhaqan qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelada hoose, Islmarkaana loo baahnayahay iskaashi iyo wax wada qabsi si loogu gurmado Shacabka dhibaateysan.

Gudoomiyaha Jaaliyada Aweys Xaaji Mocow ayaa madasha ka sheegay in Jaaliyada  Beesha Biimaal ee Boqortooyada Sacuudiga in looga baahanyahay is maqal iyo isku tanaasul si looga gudbo marxalada adag ee ka jirta deegaanada ay ku abtirsato Beesha.

Dhanka kale howlwadeenada Jaaliyada ayaa ku baaqay kulan balaaran oo deg deg ah kaas oo dhawaan dhici doona, waxaana lagu shaacin doonaa qaaraan aruurin iyadoo kulankaas sidoo kale warbixinno looga dhegeysan doono hogaanka jaaliyada wixii u qabsoomay lexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Ugu dambeyntii kulankan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan warbixinno been abuur ah ay faafiyeen koox ku caan baxday dibin daabiyeynta Midnimada Beesha Biimaal kuwaas oo soo saaray in lagu tagay Maamulkii Jaaliyada Sacuudiga.

Jaaliyada Bedesha Biimaal ee ku dhaqan Sacuudi arabiya ayaa lagu tiriyaa jaaliyadaha laf dhabarta u ah halganka ka socdo Shabeelada hoose, waxaana lagu xasuustaa taageero iyo isgarab taag aan kala joogis laheyn.

img-20161031-wa0022 img-20161031-wa0020 img-20161031-wa0021

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open