Ciidamada Deegaanka Beesha Biimaal Oo Maanta Howlgal Ka Sameeyey Deegaanada Lexmooro Iyo Ceel-Axmed

Ciidamada Deegaanka ee Beesha Biimaal ee fariisinka ku leh Deegaanka Ceeljaale ayaa maanta howlgal ka sameeyey deegaanada ku yaala xeebta Koonfureed ee Gobolka Shabeelada hoose.

Howlgalka oo dhacay aroonimadii saake ayaa Ciidamada waxay ku bartilmaameedsadeen deegaanada Lex-mooro iyo Ceel-axmed oo dhanka xeebta ka xiga magaalada Marka gaar ahaan deegaanada koonfureed.

Taliska Ciidamada ee deegaanka Ceeljaale ayaa xaqiijiyey in Ciidamada ay beegsadeen saldhigyo ay kuu dhuumaaleystaan horjoogayaasha isbaheysiga Mooryaanta Habar gidir iyo Maleeshiyada Shabaab oo dagaalo kula jira Shacabka Beesha Biimaal.

Warar hor dhac oo ay heleyso Shabakada Markacadey.com ayaa ku waramaya in Ciidamada saake ay soo furteen hub ku keydsanaa mid ka mid ah saldhigyada ay weerareen ayna bur buriyeen saldhigyada, halkaas oo sida la sheegay ay ka carareen Maleeshiyaad iyo horjoogayaashii ku sugnaa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open