Ciidamada Deegaanka Iyo Kuwa Amisom Oo Maanta Howlgal Ka Sameeyey Degmada Janaale Iyo Deegaano Hoos Taga

Wararka ka imaanaya degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hosoe ayaa ku waramaya in Maanta halkaasi ay howlgal ka sameeyeen Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom iyo Ciidamada deegaanka.

Howlgalka oo wada jir ahaa ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaano hoos taga degmada Janaale oo u badan dhul beereed, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin Maleeshiyada Alshabaab iyo Mooryaanta Habar gidir ee xooga ku haaysata Beeraha Gobolka Shabeelada hoose.

Inta uu socday howlgalka ayaa la sheegay in uu jirey dagaal iska caabin ah oo ay sameeyeen Maleeshiyada Shabaab ee ku sugnaa difaacyada Janaale, waxaana ay la kulmeen jawaabo kulul oo ay bixiyeen Ciidamada is garabsanaya.

Huwanta ayaa markii dambe dib ugu soo laabtay taliska ay ku lahaayeen Deegaanka Buufow bacaad halkaas oo inta badan ay ka qaadaan howlgallada ay ka fuliyaan degmada Janaale.

Deegaanada ay joogaan isbaheysiga la dagaalanka Beesha Biimaal iyo barakicinta dadka shacabka ah ee ay ka koobanyihiin Maleeshiyada Alshabaab iyo Mooryaanta habargidir ayaa inta badan waxa si joogta ah uga dhaca howlgallo ay si wada jira ah u sameeyaan Ciidamada deegaanka iyo kuwa amisom.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open