Kulan Casho Sharaf Ah Ayaa Lagu Qabtey Guriga Duqa Beesha Biimaal Ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya (Video)

Kulan casho sharaf ah oo ay kasoo qeyb galeen  dhamaan qeybaha kala duwan ee jaaliyada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee kasoo jeeda G/Sh/hoose ayaa waxaa lagu qabtey Guriga Duqa Beesha BIIMAAL Xaaji Cumar Maxamed Cali (Moordi)

Kulanka ayaa ahaa mid lagu xoojinaye kalsoonida ay u hayaan umada uu matalo  duqa beesha biimaal Cumar Moordi ayna rumeysanyihiin in uu yahay duqa ruux dhaxalgal ku ah beesha dhexdeeda

Jaaliyada Sucuudiga ayaa si wada jir ah  waxa ay u cadeeyeen in uusan jirin qilaaf udhaxeeya jaaliyada dhexdeeda ayna yihiin kuwa ku mideysan difaaca iyo taageerida Ciidamada deegaanka iyo hogaankooda sida horey looga bartey jaaliyada ayna ahaan doonaan Cudad isku duuban.

Jaaliyada waxa ay wada jir TACSI tiraanyo leh ay ugu direen dhamaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey allaha unaxariisto marxuum ISMAACIIL AXMED CUSMAAN (ISMAACIIL BOOLIS) oo dhawaan gacan ka xaq daran ay ku dishey Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waaberi agagaarka suuqa jaadka

Waxaa kaloo tacsi ay u direen jaaliyada allaha unaxariisto Marxuum IBRAAHIM XAAJI XUSEEN CABDI oo ay gurigiisa ku dileen mooryaanta kasoo hayaantey Gobolada dhexe marxuumka ayaa waxa uu degana degmada Afgooye.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA OO DHAMEYTIRAN

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open