Dhageyso Wasiir Xasan Eelaay “Ciidamada Maamulka K/galbeed Waa Inay Bilaabaan Howlgal Ka Dhan Ah Alshabaab”

Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) ayaa ku goodiyey in dhawaan la bilaabi doono Weerar ka dhan ah dagaalyahaanada Alshabaab.

Wasiirka oo la hadlaayey Ciidan ku jiro xero ku taala Baydhaba ayaa ku bogaadiyey in ay qaadaan weeraro ay Shabaabka kaga saarayaan deegaanada ay ka joogaan Gobolada K/galbeed.

Ciidamada uu la hadlayey ayuu u balan qaaday in ay heli doonaan saanad Milateri oo aan kala go’laheyn iyo sahaydii ay cuni lahaayeen, isagoo Ciidanka ugu baaqay in ay soo celiyaan deeganadii dhawaan ka baxay gacanta Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed.

Deegaanada Maamulka Koonfur galbeed uu ka arimiyo ayaa waxa ku sii xoogeysanaya Maleeshiyada Alshabaab, waxaana dhawaan Shabaabku ay la wareegeen degmada Tiyeeglow, halka dagaal rogaal celin ah looga saaray deegaanka Goof-gaduud.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open