Abaari inama haysee, Aqoon’darraa inna haysa! – WQ/Khadar Aar

Xiliga abaarta casharo kama barano ,xiliga Roobka iyo Raxmadana kayd iyo biyo ma dhigano, aqoon yahan keenuna waa aqoon laawe.
Qoraalkan waxa aan doonayaa in aan kaga hadlo abaaraha markasta inagu soo noq’noqonaya ee aynu markaliya u la,nahay xal iyo xeelad aynu kaga gudubno ,Ilahay sw waxa uu garaadka iyo caqliga inoo siiyay in dhibaato kasta oo inagu dhacda aynu ka fikirno qaabkii iyo hanaankii aynu uga gudbi lahay.

Wakhtigan xaadirkaa waxaa wadankii ka jira abaaro dad iyo duunyaba *gallaafatay kuwasoo maanta ka taagan dhamaan dalkii oo dhan; taas oo halka xaaladdeedu marayso laga garan karo qayla dhaanta kasoo yeedhaysa dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan,tasoo u muuqata ,sidii awalba inoo caadada ahayd in ay ku dhamadaan dad iyo duunyaba.

Waxaan xasuustaa sannadkii 1974-kii sidan oo kale waxaa gayiga Soomalidu ay dagto oo dhan ka dhacay abaartii ba’nayd ee la magac baxday *Dabadheer ; taas oo si weyn u saamaysay guud ahaan dhulka ay dagaan dadka Soomalidu, ,hadana dawladii wakhtigaasi jirtay waxa ay ka fikirtay qaabkii ay dadka uga samata bixin lahayd afadaasi abaarta .

Waxa fiican in dawlada dalka ka jirtaa ay ka fikirto, sidii looga hortagi lahaa aabarahan markasta dad iyo duunyaba aynu ku *lee’anayno. waxa iyana marag ma doona in sanadkasta ay inoo da’aan Roobab aad u fara badan oo aynan marqudha ka faa’idaysan.

Waxaa wax aad looga xumaado ah in markasta oo ay abaaro inagu dhacaan in aynu dunida u qayla dhaan dirano,inaga oo leh “hayaaaay” nasoo gaadha ,dhib malahan oo dadka gaal iyo Muslim waa la istaakulayn karaa ,balse maahan in markasta ay baahiodaadu taagnaato.

Waxa aan aad uga soo horjee in kaalmo shisheeye la isku halleeyo ama beesha caalamka loo gacan hoorsado, sida hadda dhaqan keenu yahay ,balse markaliya aan la isticmaalayn caqligii iyo garaadkii lagaga bixi laha abarahan soo noqnoqonaya,iyo sidii loo joojin lahaa biyahan faraha badan ee sanadkasta badaha ku shubmaaya .

Maaha oo kaliya in marka ay abaaro dhacaan ,dadkii iyo xoolihii biyo iyo raashin loola cararo,balse waa in la sameeyaa barnamij intaasi ka balaadhan ,iyada oo lagu salaynaayo sugidda nolosha mustaqbalka dambe ee dadka abaarta ku wax yeel-loobay. hadii ay soo noqoto abaartuna ay jirto sahay iyo saad meel yaala oo lagaga gudbo .

Waxa kaliya oo aynu naqaana in marka ay abaartu ina qabsato uu Madaxwaynuhu ku dhawaaqo salaad ruub doon ,ma xuma in Ilahay la baryo , lakiin waa in aad talada ku darsataa roobkii Ilahay shalay ku Siyay biyahoodii halkay mareen, waxa kaloo caado inoo ah in Madaxwaynuhu uu guddi abareed markaasi magacabo kuwaasi oo waxooga rashin iyo biyo ku saydh-saydha dadka Abaarahu wax-yeeleyen.

Abaartu haday inaga tan-waynaato xaq ayaynu u leenahay in ay cidkasta oo wax ina taraysaba in ay u qayla’dhaan dirano,balse aniga gudida markasta uu madaxwaynahu abaaraha u magacaabaayo waxaa igala quman in uu sameeyo guddo aqoon u leh ka faa’idaysiga biyaha roobka,kuwaasi oo daraasad kusoo sameeya sidii looga hortagi lahaa biyaya yaraanta iyo xaalufka dhirta ee markasta aynu la ildaran nahay .

Dawaladuhu waxa ay leeyihiin wasaarado iyo wakaalada qaabilsan arimaha masiibooyinka dabiiciga ah ,waxa ay ku talo galaan in ay kaydiyaan cunto iyo daawo si loogu qaybiyo loona gaadhsiiyo dadka marka ay masiibooyinku ku dhacaan, masiibooyinka ama abaaraha ka hor waxa ay sameeyaan mashaariic ah in ay dhul daaqsimeed sameeyaan iyo in la qabto biyaha Roobka lana sameeyo biyo xidheeno yaryar si loo isticmaalo marka uu Roobku yaraado.

Waan ogahay oo war iguma seegana in dawlada maanta jirta aanay haysan dhaqaale iyo adeeg ku filaan oo ay kaga hortagto Abaraha iyo masibooyinka dabiiciga ee soo noq-noqda , waxa kaloo aan ogahay in dadwaynuhuna ay yihiin kuwo aan u wacyi-gashanayn in ay qataan amarada dawlada ee ku wajahan in Seero loo sameeyo dhul daaqsimeed si xiliga abaarta xooluhu u helaan waxay cunaan .

Waxanad arkaysa dhul dawladu doonayso in daaqsin loo sameeyo oo qabiil dhami leeyahay dhulkayaga anaaga leh cid wax ka qaban kartaana ma jirto ,iyagoo adeeg sanaya cidan beeled .

Dawladu waa in fikir iyo talo wadaag usoo bandhigto bulshada iyo dadka aqoonta u leh ka hortaga abaaraha iyo masiiboyinka ,taas waxaba kasii daran waligay maan maqal dawlada oo sadaal iyo qimayn ka samaynaysa sida wax looga qaban karo abaraha inagu soo fool leh .

Maaha in dawlada oo kaliya aan ku eedaynayo arimahan, balse xataa xisbiyada wadanka ka jiraa uma muuqdaan kuwa keeni kara amma ka fikiri kara qaabkii iyo siyasadii lagaga bixi lahaa dhibatooyinkasi abaaraha ee soo noqnoqda .

Waxaa kaloo iyaduna meesha ka muuqda in dadka reer miyagaa laftoodu abaraha ka hor ay ku sugan yihiin nolol aad u adag ,waxa aad arkaysaa qoys ku nool 20-10 neef oo xoolo ah taaso ku tusinaysa in abaarta ka horba ay nolosha miyugu aad u liidatay .

Xaalada abaaruhu mid joogta ah ayay ahanaysaa hadii aan looga hortegin hab diyaarsan oo leh barnaamij-kiisa,kaasoo ay soo diyaariyeen dad aqoon u leh arimahan iyo sidii wax laga qaban lahaa.

Reer miyigu waa warshadii soo saaraysay ama dhaqaysay Xoolaha ,waa dadkii ku dhibaatoonayay dhaqista iyo daryeelka xoolaha maanta aynu aduunka ugu faano,reer miyigu waxaa ay kala kulmaan dhaqadi xoolaha dhibatoyin aad u fara badan gu’ga iyo Jilaal-kaba ,marna kama helaan dakhli badan oo noloshooda oo dhan kafeeya ,balse waxa ay ka helaan oo kaliya wax ku Filan nolol maalmeedkoda aadka u hooseeya .

Cida kaliya ee fa’idada tooskii ay kasoo gasho xoolaha waa ganacsatada iyo dawlada oo iyana ka qadata cashuuro aad u fara-badan ,balse ninkii reer miyiga ahaa ee xoolahasi aad arkaysaan silic iyo saxariirka ku dhaqayay. waxaa ila haboon in nolosha qoyska reer miyigaa meel lagu tiriyo, isla markana qaabkan xoolo dhaqatada loo badalo qaab ka duwan kan rafaadka .

MAXAA XAL AH

Maadaama abaaruhu in badan ay hore inoo soo mareen ,sida tariikha heena iyo suugantena ku cad ,kuwaaso waxyeloyin badan inoo soo gaystay oo dad iyo duunyaba leh ,hadaba waya-aragnimada si looga faa’ideeysto waxaan isleeyahay waxaa loo bahan yahay :-

In la sameeyo khubaro cilmi u leh abaaraha iyo xaalufka dhulkaba si ay u soo diyaariyaan daraasado sheegaya habkii iyo xeeladii wax looga qaban karo.

In la sameeyo oo la helo sharci adag oo lagu dhaqo ilaalinta deegaanka,laguna qaado qofkii ama kooxdii ku xadgudubta.

In la hello lagana fakaro waxyaabo bedela Dhuxusha aynu wax ku karsano si nabaad guurka Dhirtu u yaraado xooluhuna ay u helaan wax ay cunaan . lana yareeyo wadooyinkan badan ee babuurtu ay sameyeen biyahuna ay racayaan ee gacamada noqday .

In Wasaarada ku shaqada lihi ay diyaariso buugag iyo qoraalo ka hadlaya barashada fa’idada ay leedahay ilaalinta dhirta iyo daaqa .

In la ilaaliyo waxyaabaha keenaya nabadguurka ciida lana sameeyo ama la abuuro dhirta waaweeyn iyo beeritaanka dhirta abaarta u adkeeysata,isla mar kana la beero dhir si degdeg ah ku bixi karta,si looga faa’ideeysto in la hakiyo dhirta dhuxusha laga shito,kuwa Tiirarka laga dhigto ,isla markaasna dhirtaas la abuurey waxay daryeel u tahay ciida .

In la kala qorsheeyo dhulka beeraha iyo kan xoolo dhaqatada daaqsinka u ah sidoo kalana lakala saaro dhulka daaqsinta ah iyo dhulka xoolugu ka cabaan una soo biyo doontaan,si loo ilaaliyo nabadguurka ay reer miyiga iyo xoolahubu ku keeni karaan dhulka daaqsinta ah,markey xooluhu cabayaan,taasoo aan ula jeedo in lakala fogeeyaa masafad dheerna leeysku jirsiiyo ceelasha iyo dhul daaqsimeedka.

W.q .Qareen / Khadar Ibrahim Aar .

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open