Ciidamada Maamulka K/galbeed Oo Isaga Baxay Deegaanka Goof-gaduud

Ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ayaa maanta waxay isaga baxeen deegaanka Goof-gaduud ee duleedka magaalada Baydhaba.

Deegaanka Goof-gaduud oo maalmo ka hor ay kula dagaalameen Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in xilligana ay haawaneyso.

Saraakiisha Ciidamada Koonfur galbeed ayaa sheegay mushaahar la’aan iyo daryeel xumo ay ay sababtay u tahay in ay baneeyaan xarumihii ay kaga sugnaayeen deegaankan.

Gaadiid dagaal oo dhawaan kasoo ruqaansaday Magaalada Baydhaba ayaa dib ugu laabtay halka markii hore ay ka yimaadeen.

Dadka Shacabka ah eek u dhaqan Goof-gaduud ayaa baqdin ka qaba in ay saameyn ay kala kulmaan Kooxda Shabaab oo can ku ah markii ay qabsadaan deegaan cusub wax yeeleeya Shacabka.

Deegaanka Goof-gaduud oo qiyaas ahaan 30 km u jira Magaalada Baydhaba ayaa muhiim u ah cida gacanta ku haaysa, waxaana qal qal amni ay ku keeni kartaa Baydhaba.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open