Faafaahinno Dheeri Ah Oo Laga Helaayo Duqeymo Xaga Cirka Ah Oo Lagu Qaaday Galbeedka Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanay deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in weerar xaga cirka ah lagu qaaday saldhig Maleeshiyada Shabaab ay halkaasi ku lahaayeen.

Sida la sheegay weerar xaga Cirka ah oo ay geysteen diyaarado dagaal ayaa waxa lagu qaaday Saldhig Ciidan oo Maleeshiyada Shabaab ay ku lahaayeen Deegaan lagu magacaabo Yuumbis oo galbeed kaga beegan Deegaanka Bariire.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in saldhigan Ciidan uu ahaa mid dhawaanahan lagu soo gurayey Maleeshiyaad, waxaana haatan ku xareysnaa sida xogta sheegeyso in ka badan laba kun (laba kun) oo maleeshiya ah, kuwaas oo laga kala keenay deegaano shabeelada hoose ka tirsan.

Duqeynta oo xalay dhacday ayaa la xaqiijiyey ilaa seddxa gantaal diraayadaha aan cidi wadin ay ku dhufteen saldhiga, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac aan xad laheyn uu soo gaaray Maleeshiyada ku sugnaa saldhiga la weeraray.

Illo xog ogaal ah oo la hadlay Markacadey.com ayaa u sheegay in dhimashada ay gaareyso inta u dhaxeysa shan boqlo (500) ilaa todoba boqol (700), iyadoo dhaawaca ka dhashay gantaalada aanay xisaab laheyn.

Dadka ku sugan deegaanka Yuumbis ayaa warbaahinta reer galbeedka u sheegay in ay maqlayeen daryahanka hubka culus ee lala dhacay saldhiga, waxaana ay ka gaabsadeen halka uu la egyahay khasaaraha goobta ka dhashay.

Diyaaradaha reer Galbeed ayaa weeraro kala duwan ku qaada saldhigyo iyo xarumo ay degenyihiin Maleeshiyaadka Shabaab ee ku kula yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open