Gacan Ku Dhiiglayaal Dil Ka Geystay Magaalada Muqdisho Oo Gacanta Lagu Soo Dhigay (Sawiro)

Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa gelinkii dambe ee maanta fal dil ah waxay ka geysteen Magaalada Muqdisho gaar ahaa Degmada Wadajir.

Laba wiil oo dhalan yara ah ayaa Xaafada Xaawa taalo ee degmada Wadajir ku toogtay Nabadoon caan ahaa kaas oo ay madaxa kaga dhufteen dhowr xabadood, waxaana markii ay dilka geysteen ka dib ay isaga baxsadeen goobta.

Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha degmada oo ku baxay halkii ay ku baxsadeen gacan ku dhiiglayaasha ayaa markii dambe ku guuleystay in ay soo qabtaan, waxaana soo qabashada ka hor dhex martay is rasaaseyn kooban. Israsaaseynta ayaa waxa ku dhaawacmay gacan ku dhiiglayaasha taas oo sahashay in ay gacanta usoo galaan Ciidamada Eryanayey.

Maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay Gacan ku dhiiglayaasha toogtay Nabadoonka, waxaana Maamulka uu sheegay in ay daaweyn doonaan ka dibna ay soo taagi doonaan Maxkamad si loogu fuliyo xukunka ay muteystaan.

dil dil1 dil3

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open