Madaxweyne C/weli Gaas Oo Dib Ugu Laabtay Boosaaso Ayaa Ka Warmay Arimo Ay Ka Midyihiin Dagaalada Gaalkacyo, Qandala Iyo Arimo Kale

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxaa uu ka hamdlay arrimo badan oo ay ka mid tahay shirkii Dubai ku dhex maray Madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne  Gaas ayaa sheegay in shirka Dubai looga hadlayay arrimo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya iyo geeddi socodka Nabada, isagoo xusay in intii uu shirkaas socday ay isku arkeen isaga iyo Madaxweynaha Galmudug, ayna ka wada hadleen colaadii Gaalkacyo, isla markaana heshiis looga gaaray.

Wuxuu sheegay in Puntland aanay waligeed wadin duulaan, isla markaana ay ka shaqeyneysay maslaxada iyo nabadgelyada Soomaaliya, isagoo xusay inay rajeynayaan inay dhamaato colaada Gaalkacyo, lana gaaro xal waara.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay xaalada ka jirta degmada Qandala, halkaasoo todobaadkii hore ay qabsadeen Daacish, waxaa uu sheegay in aanay Daacish waligeed sii heysaneyn halkaas, isla markaana maalmaha soo socda laga howl galayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open