Dowlada Burundi Oo Ku Hanjabtay Inay La Baxeyso Ciidamadeeda Ka Jooga Soomaaliya

Dowlada Burindi oo Ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay la baxeyso Ciidamadeeda oo ka mid ah kuwa Magaca Midowga Afrika ku jooga dalka.

Wasiirka difaaca Emmanuel Ntahomvuke, ayaa warkaan ka hor sheegay Baarlamaanka dalkiisa oo su’aalo ka weydiiyey arimaha difaaca iyo Ciidamada dalkooda u dhashay ee ka dagaalama Soomaaliya.

Wasiirka ayaa arintaas ku micneeyey mushahar la’aan haaysata Ciidamada Burundi muddo toban bilood ah, waxaana uu sheegay in Ciidankooda xuquuq la’aanay ay kasii mid ahaan karin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa joojiyey inay si toos ah lacagta ciidamada ugu dirto dowladda Burundi, kadib markii ay dagaalo siyaasadeed ka dhaceen waddanka.

Dowlada Burundi oo ah dowlada labaad ee Ciidanka ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya ayaa khasaare xoogan kala kulantay dagaalada ay la galayaan Maleeshiyaadka Alshabaab, waxaana ugu dambeeyey khasaarihii ka dhashay weerarka xerada Leego oo lagu la’deen in kabadan 50, askari.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open