Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Oo Taageeray RW Cumar C/rashiid Oo Ah Murashaxa Madaxweynaha Federalka Soomaaliya

Waxaa shaley magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ku kulmey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo kasoo laabtay shirkii Imaaraadka loogu qabtay maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti soo maray si uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ugu faahfaahiyo arimo la xiriiro shirka Imaaraatka Carabta.

Natiijooyinka ka soo baxay Shirka Imaaraatka Carabta loogu qabtay maamul goboleedyada Soomaaliya ayaanan laga haynin wax faahfaahin ah ilaa hadda, mana jiro mas’uul warbaahinta u sharaxay waxyaabahii lagu heshiiyey shirkaasi.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa madaxweyne Geelle ka codsaday inuu kaalintiisa ka qaato doorashada ka dhacayso Soomaaliya dhammaadka sanadkan, waxaana jamhuuriyadda Jabuuti lagu casuumay inay goobjoog ka noqoto doorashada isla markaasina muujiso taageerada ay u hayso Soomaaliya.

Xog si hoose loo soo dusiyey waxay sheegeysaa in dowladda Imaaraatka Carabta taageersan tahay ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya isagoo bedeli doono madaxweyne Xasan Culusow oo karti xumo ay ku habsatay.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa ah nin dulqaad badan isla markaasina jecel in khilaafaatka Soomaalida dhexdeeda ah lagu xaliyo diblomaasiyad iyo qaab farsameysan oo aanan dagaal ahayn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open