Magaalada Kismaayo Oo Laga Hirgeliyey Maxjarkii Ugu Horeeyey Ee Deegaanada Jubbaland Yeeshaan

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu qabtay munaasabad lagu daah-furayey Maxjarkii ugu horeeyey ee xoolaha oo laga hirgaliyo deegaanada Jubbaland.

Maxjarkan waxaa xariga ka jaray  madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere iyo wasiirka xanaanada Xoolaha.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Shaafi Raabbi Kaahin ayaa sheegey in maxjarkan lagu xareyn doono xoolaha dhoofka loo wado si loogu hubiyo caafimaadkooda.

Waaaa talaabo weyn oo loo qaaday dhanka horumarka dhaqaale ee Jubbaland oo iyadu caan ku ah xoolaha nool, kuwaasi oo dhawaan la bilaabay in la dhoofiyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open