Maleeshiyada Alshabaab Oo Shacab Tiro Badan Ka Soo Barakiciyey Tuulooyin U Dhexeeyo Degmada Marka Iyo Buulo Mareer (Sawiro)

Maleeshiyada Alshabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay barakicin ka waday tuulooyin u dhexeeyo magaalada Marka iyo Buulo Mareer. Dadka ay Shabaab ka soo barakiciyeen tuulooyinkaasi ayaa intooda badan soo gaaray degmada Marka iyo deegaanada kale ee ay ku sugan yihiin ciidamada ammaanka degmada Marka.

Deegaanada Alshabaab ay ka soo barakiciyeen waxaa ka mid ah Ceel Axmed, Muungiye, Lexmooro iyo Ceelcadow oo dhammaantooda u dhexeeyo deegaanka Buulo Mareer iyo magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Alshabaab ayaa ku eedeeyey shacabka ay barakicinayaan inay yihiin dad aan ku qanacsaneynin Islaamka oo ay ula jeedaan ku hoos noolaashada Alshabaab.

Dhanka kale, ciidamo madani ah oo taabacsan maamulka degmada Marka isla markaasina saldhig ku leh Ceeljaalle ayaa u dhaqaaqay tuulooyinka Lexmooro iyo Ceel Axmed si ay deegaanadaasi uga saaraan maleeshiyaada Shabaabka ee shacabka u soo barakicinaayo dhanka degmada Marka.

received_763502760456934 received_763502693790274 received_763502590456951 received_763502563790287 received_763502507123626 received_763502323790311 received_763501733790370 received_763501637123713 received_763501520457058 received_763501240457086 received_763501233790420 received_763500050457205 received_763500020457208 received_763499513790592 14963347_1662411204049375_5284427861197332011_n

barakicin-shabaab barakicin-shabaab1 barakicin-shabaab2 barakicin-shabaab3 barakicin-shabaab4 barakicin-shabaab5 barakicin-shabaab6 barakicin-shabaab7 barakicin-shabaab8

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open